Dowlada Imaaraadka Oo Saraakiil Ciidan Oo Bosaaso u joogay Kala Baxday Puntland.

Filed under: Wararka |

Imaaraadka Carabta  ayaa Saraakiil tababaray oo gacanta ku hayay Ciidamada Badda ee Puntland (PMPF) kala baxay Puntland guud ahaan Deegaanada Puntland.

Dhaq dhaqaaq ayaa ka socda garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, Sarkaal ka tirsan Puntland ayaa noo xaqiijiyey arrintan, Dad goobjoog ahna waxay sheegayaan inay Shaqaalaha iyo madaxda baxayso laakiin aysan u jeedin qalab la rarayo.

Guuritanka Hay’adda ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii Dowladda Soomaaliya sheegtay inay la wareegayso dhamaan ciidamada Soomaaliyeed ee Imaaraadku tababaray, Puntland weli kama hadlin go’aanka Federaalka iyo guuritaanka Imaaraadka.

Wixii kasoo kordha la soco qoraalada danbe.

 

Comments/Fikirkaaga