Dowlada Soomaaliya Oo La Wareegaysa Ciidanka Badaha Puntland Ee Imaaraatku Tababaray.

Filed under: Wararka |

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegaysa xeredii iyo ciidankii ay tababareen ee booliska badaha Puntland (Puntland Maritime Police Force) (PMPF) 6 sano kaddib oo ay Imaaraadku gacanta ku hayeen.

Saraakiisha Dowladda Imaaraadka ee gacanta ku hayay ciidanka PMPF ayaa isaga baxay guud ahaanba deegaannada Puntland, waxaana ilo xog’ogaal ay ku waramayaan in ay isku dayeen in ay horey usii qaataan qalab muhiim ahaa oo yaalay Xereda. Inkastoo arrintaas ay gaashaanka u daruureen mas’uuliyiinta Dowladda Puntland.

La wareegista ciidanka PMPF ayaa Dowladda Soomaaliya waxay u wakiilatay Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo la filayo in uu maalmaha soo socda gaaro deegaannada Puntland.

Fulinta go’aankaan ayaa ku yimid is-faham buuxa oo ay wada-gaareen Puntland Iyo Dowladda dhexe. Waxaana tillaabadaan ay saldhig u tahay go’aankii DF kasoo baxay 12 April 2018 ee la xiriiray in ay guud ahaanba Imaaraadka ay kala wareegayso xeryaha iyo ciidamada Soomaliyeed ee ay tababareen.

Comments/Fikirkaaga