Senator Jurille Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Bosaaso Soo Gaaray(Sawiro).

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Senator Proff.C/risaaq Cismaan Xassan(Jurille) iyo Wafdi Ballaaran oo uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Bosaaso,iyagoona Halkaasi si weyn Loogu Soo Dhoweeyey.

Wafdigan ayaa ka kooban Wasiiro,Xildhibaano iyo Siyaasiin Xilal kala duwan Puntland Kasoo qabtay.

Wafdiga Senator Ayaa Puntland u yimid ka qeybgalka Caleema Saarka Beeldaajaha Beesha Cali Saleebaan oo Maalinta Beri ah ka dhici doona Degmada Carmo Ee Gobolka Bari.

Sidoo Wafdigan oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane.Islow ayaa La Wareegi Doona Ciidamada Badda Puntland oo ay tababar siin jirtay Dowlada Imaaraatka,walow iminka Dowlada Soomaaliya ay kala Wareegtay Maamulka Iyo Tababarada ay Dowlada Imaaraatku ay siin jirtay Ciidanka Badda Puntland.

Isku soo wada duuboo Wufuud iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, iyo isimo ayaa ka qaybgalaya caleemo saarka Beeldaajiyaha.

Comments/Fikirkaaga