Puntland Oo Sheegtay inay Tukaraq Qabsatay.

Filed under: Wararka |

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland uu wali ka socdo aagga deegaanka Tukaraq, iyadoo dagaalka uu bilowday xalay saqdii dhexe.

Ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda goobta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay kala gaarayaan gurmadyo ciidan iyo saanado hub, waxaana dagaalka laga cabsi qabaa inuu deegaano hor leh ku fido.

Labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa waxaa kala gaaray khasaaro kala duwan, iyagoo kala sheeganaya guulo, isla markaana la kala qabsaday gaadiidka dagaalka.

Puntland ayaa sheegatay inay qabsatay deegaanka Tukaraq oo horaantii sanadkan ay la wareegeen Ciidamada Somaliland.

 

Comments/Fikirkaaga