Warmurtiyeed Laga soo Saaray Shirkii baydhabo ee Maamul Goboleedyada(Video).

Filed under: Wararka |

Nuxurka Qodobadii Ka soo Baxay shirka Iskaashiga Dowlad goboleedyad ee Baydhabo

– Golahu Wuxuu ka Walaacsanyahay Weerarka Ciidamada Soomaaliland ay ku soo qaadeen Deegaanka Tukaraq ee Puntland

– Golaha wuxuu dhaliilay Hormarka Laga Sameeyay qorshaha Qaranka ee Horay loo sameeyay

– Goluhu wuxuu niyad jab ka Muujinayaa Heshiski golaha Amniga Qaranka ee 10-kii febraayo 2018 La Galay, kaas oo sheegaya in DFS ay ka Caawinayso Maamulada saanada iyo Tababarada Askarta

– Goluhu Wuxuu ugu baaqayaa DFS in Si cadaalad ah loo Qeybiyo Agabka Ciidan ee Hadda Yaala

– Golahu wuxuu ka Xunyahay Caqabadaha Amni xumo ee sii kordhaya

– Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay xiriirka sii xumanaya ee DFS iyo Sucuudiga, waxaana cad in ay dowladdu dhinac la jirto, Taasi oo saameyn ku yeelan doonta xiriirka ganacsi ee labada Dhinac,

– Ugu Danbeyn Goluhu Wuxuu Amaan kala duldhacay Maamulka Koonfur Galbeed oo Fidiyay Gogashii Lagu Qabtay Bedhabo ee Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada.


Comments/Fikirkaaga