Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Sheegay In Wadahadal Laga dhexwado Iyaga iyo Puntland.

Filed under: Wararka |

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo beesha caalamku ku daminayso dagaal Sool ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland wasiirka waxuu sheegay in qodobada beesha calamku soo jeedisay ay yihiin
1.In Xabada La Joojiyo
2.In Madaxda Ciidamadu Wadahadlaan
3.In La wada Xiriiro
4.In Maxaabiista isu celintooda iyo daryeelkooda laga wada hadlo
Sidaasi waxuu ku sheegay waraysi uu manta Hargaysa kula yeeshay SaabTv .

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo Caawa warbaahinta kula hadlay boosaso, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax heshiis ah ay Somaliland kala galeen Arinta Gobolka Sool,

Quraan-jecel oo la waydiyey Sababta ay u diidayaan hadii Heshiis lala galayo ayuu Sheegay in aysan marnaba gor-gortan ka galeyn “Xoreynta” Gobolka Sool.

Xigasho.Maxamed Siciid.

 

Comments/Fikirkaaga