Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya Oo Ganacsatada ka Mamnuucday Keenista Qalabka Caruurtu ku Ciyaaraan.

Filed under: Wararka |

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida,kuwaas oo badan kood ah kuwo kas ameysan Bustoolado,Qoryo iyo Bambooyin intaba.

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Ciidaha Kale ee soo socda ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan.

Comments/Fikirkaaga