Dawlada Puntland Oo Ka Tacsiyeysay Geerida ku Timid Qoyska Madaxweyne Farmaajo.

Filed under: Wararka |

Dawladda Puntland waxay ka Tacsiyeynaysaa  Geerida ku timid Qoyska Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gaar ahaan  Geerida ku timid Marwo. Saynab  Cabdi Macalin oo ay geeriyootay Hooyadeed, Hooyo Bishaaro Aadan Yuusuf oo maanta ku geeriyootay Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Marwo Saynab Cabdi Macalin, wuxuuna Allaah uga baryey inuu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo Hooyo Bishaaro Aadan Yuusuf, uuna daris uga dhigo SuubbanihiiRasuulkeennii CSW.

 

Comments/Fikirkaaga