Ra”iisulwasaare Kheyre oo xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta.

Filed under: Wararka |

Wareegto goor dhaw ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya Xassan Macalin Xusseen.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa Wasiiraddii lagu magacaabay isku shaandheyntii ugu danbeysay ee lagu sameeyay xukuumadda.

Xilka Wasiirka Diinta ayaa si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Comments/Fikirkaaga