Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo is casilay.

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Ayaa is casilay.

Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegay in madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u xaqiijiyay in madaxweyne Cabdi Maxamuud uu xilka iska casilay.

Iscasilaadda madaxweynaha ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

 

Comments/Fikirkaaga