Gudoomiye Dhedo Oo u Digay Dadka Oromada Magaalada Bosaaso ku Dhibaateeya.

Filed under: Wararka |

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed waceys Dhedo ayaa sheegay iney ka xunyihiin falkii dhawaan Bosaso ka dhacay Kaas oo dhibaato loogu geystay Nin ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada

Dhedo ayaa sheegay iney ogyihiin dadkii ka danbeyay falkaasi oo uu ku sheegay Gabar iyo labo wiil oo isku ehel ah, odayaashodana ay ka sugayaan in la soo galiyo gacanta dowladda

Wuxuu xusay iney ka maamul ahaan iyagu bixin doonaan wixii daawo ama daryeel ah ee uu u baahanyahay, Ninkaasi Oromka ah

Gudoomiyuhu wuxuu si adag u sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta dadkaasi, wuxuuna u sheegay iney iyaguna ku xaquuq yihiin dadka reer Puntland ee ku nool Magaalada Boosaso,

Dhedo ayaa ugu danbeyn ugu baaqay dadka ka soo jeeda qowmiyadaasi iney laamaha amaanka ku soo wargaliyaan wixii dhibaato ah ee lagu sameeyo ama ay la kulmaan.

Comments/Fikirkaaga