Maareeye ku xigeenkii Shirkada Golis Oo Boosaaso Lagu Diley.

Filed under: Wararka |

Alla Haw Naxariistee Waxa Salaadii Makhrib ka dib Magaalada Bosaaso Lagu diley Maareeye ku xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis Marxuum C/laahi Cali Cumar(Jinac).

Marxuumka Ayaa Waxa Lagu diley Agagaarka Masjidka Alrowda,waxana dilka marxuumka ka danbeeyey Kooxo Afka Soo duubtay,kuwaas oo Aan Heybtooda la garanayn,isla markaasna ka baxsaday goobtii ay marxuumka ku dileen.

Laamaha Amaanka oo soo gaarey goobta dilku ka dhacay ayaa bilaabay Baaritaan xoog leh,walow aysan gacanta ku dhigay kuwii dilka geystay.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga