Madaxweynihii Hore Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo La Sheegayo In Ciidamada Milaterigu la Tageen.

Filed under: Wararka |

Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen.

Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga.

Shalay ayay haydmarkii madaxweynahii dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Xigasho #BBCSomali.

Comments/Fikirkaaga