Maamulka Degmada Bosaaso iyo Kan Gobolka Bari Weli Kama Aysan Hadlin Dilkii Caaqil C/laahi Cali Cumar.

Filed under: Wararka |

Maamulka Degmada Bosaaso iyo Kan Gobolka Bari iyo weliba Laamaha Amaanka Gobolku  weli kama aysan hadlin Dilkii Caaqil Cabdullaahi Cali Cumar(Jinac) oo 24-saac ka hor Bosaaso si bareer ah loogu diley Bartamaha Magaalada Bosaaso ,mana sheegin xitaa inay Baaritaan Wadaan,waana sababta keentay in haldoorka Reer Bosaaso mar walba micne daro loo diĺlo,ilaan cid dilkooda ka dabatagaysaa majirtee.

Sadex Maalin Ka Hor Maamulka Gobolka Bari Waxa uu digniin kasoo saarey in dadka Oromada Ah Magaalada Bosaaso lagu dhibaateeyo,halka haldoorkii Magaalada Bosaaso si bareer ah loo dilayo,iyadoona Maamulku uu afkiisa ka xirtay.

Isku soo wada duuboo Maamulka Gobolka Bari iyo Kan Degmada Bosaaso Waxa uu u baahan yahay Isbedel xoog leh oo lagu xaqiijinayo Sugida Amniga Haldoorka Gobolka Gobolka bari gaar ahaan Magaalada Bosaaso.
Alla Haw Naxariisto Marxuumka Qoyskii,Eheladii iyo Asxaabtii Samir iyo Imaan Alla haka siiyo,isagana janatul Fardowsa Alla ha geeyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Comments/Fikirkaaga