Recep Erdogan” Waa niyad jab arrinta Jamal Khashoggi”

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey – xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah. Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Jamal Khashoggi – oo ahaa nin dhaliila madaxda Sucuudiga – in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda.

Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa.

Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa.

Haatanse waxaa dunida oo dhan laga hadal hayaa dilkiisa.

Baadhitaanka Turkiga ee hordhaca ah ayaa arrinta cirka ku shareeray. Kaas oo lagu sheegay in Suxufiga rugcadaaga ah ee Sucuudiga u dhashay lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga shirqool kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Sacuudiga ee sida gaarka ah u tababaran, kuwaas oo maydkii meesha ka saaray.

Qunsuliyadda Sucuudiga ayaa si wayn u beenisay arintaas, ayadoo sheegtay in Mr Khashoggi uu dhismaha qunsuliyadda ka baxay talaadadii.

Waxayna gudaha qunsuliyadda kusoo dhaweeyeen kaamarooyin waawayn si ay u muujiyaan in Mr Khashoggi aanu ku jirin gudaha dhismaha.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo hadal ka jeediyey magaalada Ankara, ayaa u muuqday mid taxaddar dheeri ah muujinayey.

“Jamal Khashoggi waxa uu ahaa qodax ku taagan xukuumadda Sacuudiga, asagoo dhaliilay dhaqankeeda kadhanka ah mucaaradka iyo ku lug lahaanshaha dagaalka Yemen. Haddii ay caddaato dhimashadiisu, waxay xumaynaysaa oo uga sii daraysaa xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga. Waxayna ku khasbi kartaa xukuumadaha London, Washington iyo kuwa kale ee reer galbeed ah in ay dib uga fiirsadaan jacaylka ay u qabaan dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed bin Salman. Sawirka cusub ee Sucuudigu ma noqon doono mid isbaddal xambaarsan ee wuxuu noqon doonaa dal shirqool dil ka gaystay ciid dal ajanabi ah”. Ayuu ydhi Erdogan

Comments/Fikirkaaga