Nabadoon Xarago Oo Xoriyadiisa dib u Helay.

Filed under: Wararka |

Gudoomiyaha Golaha Nabadoonada Ee Gobolka Bari Ayaa Xoriyadiisa dib u helay,ka dib markii ay sii deyntiisa ka wada xaajoodeen Maamulka Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka.

Nabadoonka oo Bartiisa Facebook soo dhigey Qoraal kooban oo uu kaga hadlay helida xoriyadiisa ayaa yirii”

Mahad Celin:

Waxaan dib u helay Xoriyadeyda waana u Mahad-celinayaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Dhedo Iyo Duqa Degmada Abdisalaan Bashiir Iyo Odayaasha Gobolka Bari, Waxgaradka Reer Puntland. Iyo guud ahaan bulshada qayba heeda kala wadan
Walaalyaal waa Nabad qabaa mana jirto wax la ii geystay Oo Dhib ah.

فَصَبْرٌ جَمِيلٌ وَاللّهُ الْمُسْتَعَانُ عَلَى مَا تَصِفُونَ.

Nabadoon Xarago ayaa Asbuuc ka hor laga qabtay Kantaroolka Koonfureed Ee Magaalada Bosaaso,mana jirto Sabab Cad oo ay Dowladu ku xirtay.

Comments/Fikirkaaga