Muqdisho:-Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay.

Filed under: Wararka |

Dowladda Somaliya Iyo Beesha Caalamka oo shir Xasasi ah ku dhex maray Muqdisho.

Shirkan oo bishiiba mar la qabto waxaa uu maanta ka qabsoomay Magalada Muqdisho.

Xubnaha ka qeybgalayay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxda Deeq bixiyayaasha Caalamka ee howlaha horumarinta mashaariicaha ka tagaeera Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Reysalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo hogaaminayay Dhowr Wasiir oo ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa shirkan ka qeybgalay.

Qodobadii ugu Waa weynaa ee shirkan Maanta looga hadlay waxaa ka mid ahaa-Xoojinta Arimaha Amniga-horumarita Siyaasadda loo dhan yahay.-Arimaha Bulshada-iyo Kordhinta dhaqaalaha Dalka.

Hadaba Marki uu shirkan soo idlaaday ka dib waxaa warbahinta la hadlay Reysalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sharaxaad Kooban ka bixiyay Muhiimadda Qabashada Shirkan iyo Nuxurka Qodobaddii uu ku Wareegayay.

Hase ahaatee shirkan ayaa qabsoomidiisa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo la doonayo sidii gundhig loogu dhigi lahaa xoojinta wada shaqeynta dhabta ah ee ka dhaxeysa dowlada Somalia iyo Deeq bixiyaasha Caalamka ee Dowlada Somalia iyo Maamul goboleedyada Taageera.

Comments/Fikirkaaga