Golaha Isbedel Doonka Oo dalbaday In Dib Loo Dhigo Doorashada Koonfur Galbeed.

Filed under: Wararka |

Golaha is badal Doonka Koonfur galbeed ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashadda Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in ay ku baaqayaan in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi oo dhici lahayd 17ka bishan.

Xubnaha Golaha ka dhex muuqda ayaa waxaa ka Mid ah Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,waxayna Sidoo Kale sheegeen in ay Soo dhaweynayaan Iscasilaadii Shariif XSan Shiekh Aadan.

Golaha ayaa sheegay in ay Ogol yihiin in Madaxweyne ku Meel gaarka ah uu sii hayo Cabdulqaadir Shariif Shiekh Maya Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkasi.

Comments/Fikirkaaga