Faragelinta Imaaraadka ee Doorashada Puntland iyo Safarka Gaas ee Nairobi/Dubai.

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa u dhoofay waddanka Kiiniya maalintii shalay.

Safarkiisa ayuusan ka hadlin, xukuumadiisuna wax war ah kama soo saariin, Balse Dr.Cabdiweli Gaas oo ah musharax mar kale u tartamaya ixlka Madaxweynaha Puntland loogu yeeray magaaladda Dubai si loogala hadlo arimo ku saabsan Doorashooyinka Puntland iyo Musharixinamdiisa.

Safarka madaxweynaha ayaa la xiriira lacago Imaraadku u ballanqaadeen inay kaga caawiyaan dib-u-doorashadiisa madaxtinimada Puntland ee January 8 2019ka, iyadoo markii shuruud looga dhigay inuu dhawaaqo musharaxnimadiisa taasi oo uu sameeyay toddobaadkii hore.

Imaraadka oo saldhig milateri ku leh Bosaso, muddo 30 sanno ahna lagu wareejiyay dekeda Bosaso, ayaa mudo ku mashquulsanaa qiimaynta musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada. Imaraadku waxay Cabdiweli Gaas u arkaan saaxiib dhow oo daacad ah oo ilaalinaya dahana imaraadka ee gobolka .

Musharax Gaas, wuxuu intuu uu Nairobi joogay la kulmay Cumar Cabdirashiid Cali Shama’arke oo ay ka wada hadleen doorashada Puntland iyo faragalinta dowladda federaalka ee doorashada, kadibna wuxuu u sii gudbay Imaraadka, halkaasi oo uu kula  kulmayo madaxa shirkadda DP World iyo saraakiisha sirdoonka imaraadka.

Inkastoo xog faahfaansan  laga hayn Lacagaha imaraadku doonayo inuu ku faragaliyo doorashada Puntland, haddana Wararku waxay sheegayaan in Cabdiweli Gaas uu ka dalbaday Imaraadka lacag dhan 10 Milyan dollar si uu ugu laaluusho xildhibaanada soo baxaya .

Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo in badan oo shacabka Puntland ah u arkaan in uu ku guuldaraysatay ballanqaadyadii xiligii doorashada ayaa hadda waxaa uu ku jiraa dedaal badan oo uu ku rabo inuu mar kale xukunka qabto, wuxuu ololihiisa astaan iyo halkudhigyo uga dhigay dhismaha garoomada diyaaradaha ee Garoowe iyo Bosaso.

C/raxmaan Yuusuf.