Wafdi Uu Hogaaminayo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi Oo Garoowe Soo Gaarey.

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Magaalada Garoowe Waxa maanta soo gaaray Xildhibaano heer Federaal ah oo lagasoo doorto Puntland,kuwaas oo uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xildhibaanada Puntland Ee Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Cabdi Xoosh,iyagoona si weyn Garoowe Loogu Soo Dhoweeyey.

Wafdiga Xildhibaan Cumar I.Waaberi Oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay ujeedka safarkoodu in uu la xariiro Doorashooyinka Puntland ee Dhowaantan dhacaya,iyagoona u mahadceliyey Shacabkii Soo Dhoweeyey.

Dhanka kale Dhowaan ayaa Puntland soo saartay qoraal ay ku mamnuucayso imaanshaha madaxda Federaalka inta ay socoto Doorashadu.