Jidka Laamiga Ah Ee Bartamaha Magaalada Bosaaso Oo Labo Haad Laga Dhigayo(Sawiro).

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Maamulka Degmada Bosaaso iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Bosaaso ayaa iska Kaashanaya Dhismaha Wadada Laamiga ah ee Bartamaha Magaalada Bosaaso,iyadoona laga dhigi doono Labo Haad oo is dhinac Socda,taas oo fududeyn doonta in Saxmada Baabuurtu yaraato wado Waasax ahna ay Magaaladu hesho.

Eng.Aadan Yusuf Barre oo Warbaahinta Raadreeb.com la wadaagay xogta jidkaan ahna Injineerka fulinaya dhismaha Wadadan kana mid ah Madaxda Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa sheegay in wadada Bartamaha Magaalada Bosaaso ay u sameeyeen Naqshadii lagu dhisi lahaa dhismaha wadadan Labada Haadka Ah Ee Bartamaha Magaalada Bosaaso,isla markaasina uu dhismahaasi ka bilaaban doono Masjid Al-rashiid Ilaa Saldhiga Bartamaha Ee Magaalada Bosaaso.

Cabirka Wadadan ayaa noqon doona 2000mtr oo dherer Ah iyo 11mtr oo Balac Ah Sida uu sheegay Eng.Aadan Yusuf Barre oo Ah Madaxa Fulinta Ee Mashruucan.

Wadada Laamiga ah Ee Bartamaha Magaalada Bosaaso ayaa ah Wado Ciriiri Ah taas oo inta badan sababta in ay shilal ka dhacaan,waxaana dhismahan Labada Haad uu meesha ka saari doonaa dhibaatadii ka jirtay Wadadan Halbowlaha u ah Isu Socodka Gaadiidka Gobolada iyo Kuwa Magaalada ka dhex shaqeeya.