Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ku guulaystay in Wasiirka Maaliyadda loo Magacaabo nin ka soo Jeeda Beesha Ciise Maxamuud,iyadoona Wasaaradaasi ay horey u lahayd Beelaha Dishiishe Ee Axmed Harti.
Marka laga hadlayo Awood Qeybsiga Puntland Waxaan Puntland horey usoo marin in Wasaarada A-da Ah ee Kala Ah Wasaarada Maaliyada,Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Weliba Madaxweynaha ay hal beel wada qaadato.
-Madaxweynaha ayaa Ah Beesha Cismaan Maxamuud.
-Wasiirka Arimaha Gudaha Ayaa Loo Magacaabay Nin kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud.
-Wasiirka Maaliyada ayaa Loo Magacaabay nin kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud.
-Wasiirka Amniga Ayaa Loo Magacaabay nin kasoo Jeeda Beesha Calisaleebaan ee ay isku heybta yihiin Beelaha Kor ku xusan.
Xukuumadan Cusub ee Puntland ayaa xiligan u muuqata Xukuumad dhinac ka raran,taas oo sababi karta in Kacdoon Beelaha kale uu dhaco.