Madaxweynaha Puntland Oo Qardho Soo Gaarey.

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Madaxweynaha Puntland iyo Wefti uu Hogaaminay oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Dangoronyo.

Dangoronyo Maarso 27, 2019:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maanta safar taariikhiya ugu ambabaxay gobolada Karkaar iyo Bari ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Dangoronyo iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Dangoronyo ee gobolka Nugaal kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Dangoronyo, nabadoono, waxgaradka, ganacsato, shacabka degmadaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay waxgaradka, maamulka degmada iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal, waxaana uu Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyey shacabka Dangoronyo iyo masuuliyiintoodaba soo dhoweynta diiran ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa.

“Shacabka, waxgaradka, maamulka gobolka Nugaal iyo masuuliyiinta degmada Dangoronyo aad iyo aad ayaan idiinka mahadcelinayaa soo dhoweyntiina diiran, waan ku faraxsannahay in Dangoronyo noqoto meeshii ugu horaysey ee aan booqday doorashadii kadib, marka koowaad waxaan aqbalay marti qaadkiina Alle idankiis”.

“Waxaan ka hawlgalnay bilawga wadada Eyl- Dangoronyo, waxaa qorsheheenu yahay in ay goordhow bilaabato shaqada wadadu, markaan xilka la wareegney waxyaabihii ugu horeeyey ee aan xoogga saarnay ayay kamid ahayd, Dangoronyo haddii ay hesho wadadaasi isbedel xoogle ayaan ka filaynaa, mid dhaqaale, mid horumar iyo mid bulshoba intaba waa imanaysaa, waan dareensannahay goobtay ku taalo, dadkeeda siday nabadgelyada iyo difaaca uga qayb qaateen, deganaanshaha Puntland siday udub dhexaadka ugu yihiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka degmada Dangoronyo iyo masuuliyiintoodaba ku booriyey inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadgelyada, una diyaar garoobaan ka hortagga nabaddiidka, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dowladdu ahmiyadda koowaad siindoonto Amniga.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.