Warbixin Laamigii isku xiri lahaa Wardheer iyo Qabridahar oo bilaaban doona(Sawiro).

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Laamigii  isku xiri lahaa Wardheer iyo Qabridahar oo bilaaban doona:

Munaasabad  siweyn loosoo agaasimay ayaa ka qabsoontay Xafiiska Wakaallada  Jidadka Ethiopia  ee   heer federal , Shirkadda  Macro General Contractor & Trading  iyo Xafiiska Wakaallada Jidadka Itoobiya  ayaa kala  saxiixday heshiis ku aadan dhismaha Jidka laamiga ee isku xiri doona Wardheer iyo Qabaridahar.

Xildhibaan Kaamil Axmad Noor (Kaamil Goodame) oo lagasoo doorto Gobolka Doollo, iyo xubno  kale oo weheliyey Xildhibaanad Kaamil oo ah xildhibaannad heer federal ah ayaa ka qeyb galay munaasabada lagu kala saxiixday dhamaystirka Dhabbaha laamiga ee Wardheer ilaa Qabridahar

Ujeddea munaasabada aya ahayd  bilowga  Jidka Laamiga ee isku xira Wardheer iyo Qabaridahre.

Mashruucaan ayaa waxaa gacanweyn ka gestay Xildhibaan Heer Federal Kaamil Goodame,   Xildhibaan   Atto Shugri Macalin , iyo Dr korfa Garane.

Xildhibaannad Kaamil Axmad  oo si kooban ula hadashay war baahinta ayaa sheegtay in ay daddel badan ay ku bixiyeen  mushruucan iyo sidii loosii abaqaadi lahaa  dhismaha Jidka laamiga ee isku xira Qabridahar iyo Wardheer.

Siday Xildhibaan Kaamil  Axmad sheegtay Mashruuca  dhismaha Laamiga ayaa bilaaban doona dhawaan ilaahay idinkiis.

Xafiiska Wakaallada  Jidadka Ethiopia  ee  heer Federal iyo Shirkadda   (Macro General Contractor & Trading, ayaa sidookale  Heshiiska dhamaystirka Jidka  Wardheer ilaa Qabaridahar Qalinka kudoogay oo saxiixay.

Sida Shirkadda dhisaysa Laamiga ay sheegtay hawsha dhismaha ayaa socon doona muddo Afar sanno ah waxayna ballan qadeen inay dhisi doonaan Laami heer caalamiya.

Guud ahaan Dalka Itoobiya gar ahaan Dawlad Deegaanka Soomaallida ayaa baahi weyn u qaba  Jidad laamiya oo isku xira Gobollada iyo Degmooyinka oo isu jira masaafooyin fog-fog.

Gobolka Doollo iyo Qoraxay waxay baahi weyn u qaban Dhabbo laamiya oo isku xira, haddii  la dhamaytiro Waddada Laamiga ee isku xirta Gobollada Qoraxay iyo Doollo  waxay sahli doonta inay fududan doonto  isu socodka Dadweynaha iyo kobcinta Ganacsiga.

Cabdinuur Faarax M.