Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Oo u digey Gaadiidleyda Aan Canshuurta Bixin.

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland oo udigay Gaadiidlayda aan Cashuurta bixin.

shir jaa’id oo uu ku qabtay xarunta Cashuuraha berriga Magaalada Boosaaso ayaa Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi waxa uu kaga hadlay bilaabashada Cashuuraha gadiid ka.

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ayaa Gaadiidlayda aan Cashuurta bixin wakhtiga Kaambayn ka in uu ganaax lacageed ku dhici doono labo cishana ka hartay.

“marlabaad gaadiidlayda waxaan ogaysiinaynaa in ay labo cisho ka hartay wakhtigii loo qabtay in uu bilaaban doonaan Kaambaynkii ganaaxa Gaadiidka aan Cashuurta bixin hadaba xiligaas ka hor Gaadiidkaaga Cashuuro”

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa sidookale ka hadlay Gaadiidka aan Taarikada lahayn.

“gaadiidlayda aan lahayn lambarka saxda ah ee wata Taarikada Gaari dhacay,mid fuusto ah iyo noocyo kale waxaan ku wargalinaynaa in ay tagaan xarumaha oo ay qaataan Taarikada saxda ah”

Wasiirku Xigeenka Maaliyadda intii uu kuguda jiray shirkiisan jaraa’id ayaa sidoo kale ka hadlay Gaadiidka Dawladda ee wata lambarka (GD)

“haayadaha Dawladda waxaan ogaysiinaynaa ee wata Taarikada GD waa in ay tagaan Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ayna qaataan istiikarada loo diyaariyay taas oo muujinaysa in aan gaarigaas Cashuurtu ku waa jibin”

ugu dambayn Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Bulshada reer Puntland ugu baqay in ay labadaas cisho in ay Cashuurta ku bixiyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.