Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Sheegay inay Puntland Diidey ka Qeybgalka Imtixaanka Guud Ee Dalka.

Filed under: Uncategorized,Wararka |

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Sanadkaan Puntland ay diidday ka qeyb-galka Imtixaannaadka guud ee dowladda, kaas oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay ka dhaxeysay dood dheer taas oo keentay in Puntland ay diido ka qeyb galka imtixaanka,waxaana waalidiinta iyo ardayda uu uga digay inay dhibaato ku keento.

Madaxda Puntland ayuu sheegay in ay uga digeen inay go’aankaas gaaraan,waxaana uu sheegay inay isku tashadaan madaxda Puntland maadaama ay go’aankaas diidamada ah wada gaareen.

Marka laga yimaado hadalka Wasiir Goodax Waxaa xusid mudan in Wasaarada Waxbarashad Puntand 10kii sano ee ugu dambeeyey imtixaankeeda Shaahdiga ah uu ahaa mid midaysan Puntland oo idil gaarna u ah isla markaana ardayda kaalimaha ugu sareeya ka gala dugsiyada sare ay helaan deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah .