Madaxweyne Deni Oo Gobolka Mudug Maamul Cusub U Magacaabay.

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Puntland wuxuu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo labadiisa ku xigeen.

Axmed Muuse Nuur ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) ayaa loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha cusub ee madaxwayne Deni Caawa magacaabay Waxaa uu mudo dheer ahaa gudoomiye ku xigeenaka gobolka mudug ka hor intaan madaxwaynihii hore Puntland Xilkaasi ka qaadin dadka la socda arimaha gobolka mudug qaarkood ayaa u arka isbadalka Madaxwayne Deni ku sameeyey maamulka gobolka mid aan waxba kaga badalnayn kuwii hore oo aan dhaafsiisnayn shaqsiyaad laysku badalay waxaase la eegi doona tilaabooyinka uu qaado maamulka cusub iyo in uu la yimaado qorsheyaal ka jawaabi kara baahida bulshada gobolka mudug.