Home » Entries posted by Mr Sayid (Page 27)
Entries posted by Editor

War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Burundi.

Comments Off on War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Burundi.
War Murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Burundi.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi ayaa ugu danbeyntii kulamo uu la qaatay dhiggiisa dalkaas, waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 qodob. Oo dhignaa siddan : 1- Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda […]

Continue reading …

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti(Sawiro).

Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti(Sawiro).
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti(Sawiro).

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo uu muddo labo maalmood ku joogay dalka Burundi. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta aanu ka soo ambabixin magaalada Bujumbura waxa uu wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo lagu adkeynayo xiriirka labada […]

Continue reading …

Xaruntii Xisbiga Wadajir Ee Magaalada Garoowe Oo ay Puntland Xirtay.

Comments Off on Xaruntii Xisbiga Wadajir Ee Magaalada Garoowe Oo ay Puntland Xirtay.
Xaruntii Xisbiga Wadajir Ee Magaalada Garoowe Oo ay Puntland Xirtay.

Dowladda Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi )Gu’jir) uu bixiyay amarka lagu xiray, xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garoowe, madaama […]

Continue reading …

Akhriso Magacyada Wiilashii Wasiir Axmed Taaraan dilka ku xukumay.

Comments Off on Akhriso Magacyada Wiilashii Wasiir Axmed Taaraan dilka ku xukumay.
Akhriso Magacyada Wiilashii Wasiir Axmed Taaraan dilka ku xukumay.

Axmed Taaraan oo hada loo magacaabay Wasiirka shidaalka Puntland,  ayaa horay u ahaa Xeer ilaaliyaha gobolka Bari si qabyaaladaysan Caruurta ka soo jeeda  beelaha Dubeys iyo Dishiishe dembiyo ayna gelin ugu xukumi jiray,Gaar kuwa reer Maakhir, isaga oo ka caraysan jabkii kooxdiisa kaga dhacay Majiyahan ayuu denbiyo ayna gelin ku xukumi jiray. Hoos ka Akhriso […]

Continue reading …

Ganacsatada Qaadka Kenya” Kuma iibsaneyno madax-bannaanideena dhuleed ganacsiga Qaadka’’

Comments Off on Ganacsatada Qaadka Kenya” Kuma iibsaneyno madax-bannaanideena dhuleed ganacsiga Qaadka’’
Ganacsatada Qaadka Kenya” Kuma iibsaneyno madax-bannaanideena dhuleed ganacsiga Qaadka’’

Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya. Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa […]

Continue reading …

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi.

Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi.
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi […]

Continue reading …

Dowladda Soomaaliya oo u Jawaabtay Kenya.

Comments Off on Dowladda Soomaaliya oo u Jawaabtay Kenya.
Dowladda Soomaaliya oo u Jawaabtay Kenya.

Qoraal goor dhaw ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga jawaabay go’aankii ay dowladda Kenya kaga dalbatay safiirka Somalia inuu dalkeeda ka baxo, iyo tallaabadii ay ku sheegtay in Somalia ay iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baaro. Dowladda Somalia waxay ku adkeyastay inay iyadu leedahay dhulka ka […]

Continue reading …

Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf Is Barasho Ah U Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland.

Comments Off on Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf Is Barasho Ah U Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharaf Is Barasho Ah U Sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qado sharaf isbarasho ah u sameeyey Goleyaasha Dowladda Puntland sida Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka. Qada sharafta isbarashada ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha […]

Continue reading …

Bosaaso:-Rag dil ku Eedeysnaa oo dil Lagu Xukumay.

Comments Off on Bosaaso:-Rag dil ku Eedeysnaa oo dil Lagu Xukumay.
Bosaaso:-Rag dil ku Eedeysnaa oo dil Lagu Xukumay.

Maxkamadda ciidamada qalabka ee Puntland ayaa haatan xukun dil ah ku ridday 4 nin oo loo haysto dilka ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa dhammaantood dil toogasho ah lagu […]

Continue reading …

Danjire Tarsan oo dalka dib ugu soo laabtay.

Comments Off on Danjire Tarsan oo dalka dib ugu soo laabtay.
Danjire Tarsan oo dalka dib ugu soo laabtay.

Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa soo cagadhigatay diyaarad siday Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay in uu dalkiisa dib ugu laabto. Diyaarada siday Danjiraha ama safiirka waxaa la socday Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka soo laabtay dalka Sweden soona maray […]

Continue reading …